Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa cambaareysay aqalka koongareeska Maraykanka oo u codeeyey in cunaqabateyn lagu soo rogo mas’uuliyiin ka tirsan maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee (ICC), ka dib markii ay soo saareen amarro lagu soo xirayo hoggaamiyeyaasha Israa’iil.
Ciidamada militeriga Israa’iil ayaa dilay dad lagu qiyaasay 490 qof oo Falastiiniyiin ah sagaalkii cisho ee ugu horreeyay ee sanadka cusub ee 2025-ka.
Dhanka kale, afhayeen u hadlay ciidamada ammaanka ee maamulka Falastiin ayaa sheegay in 247 dagaalyahaan lagu xiray xerada qaxootiga ee Jenin ee Daanta Galbeed ee la haysto.
Xasuuqa Israa’iil ee Marinka Qaza tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii ayaa lagu dilay ugu yaraan 46,006 qof halka lagu dhaawacay 109,378 kale oo Falastiniyiin ah.