Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa maanta sheegtay in laga billaabo bisha Toddobaad ee sanadkan uu jiri doono imtixaanka KCSE-da oo ay ardayda u fadhiisan doonaan bisha July.
Wasiirka waxbarashada ee Kenya Julius Migos Ogamba ayaa sheegay in arrintan looga gol-leeyahay sare u qaadidda waxtarka hannaanka imtixaanka qaran.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in go’aankan la qaatay ka dib wada tashiyo ballaaran oo lala sameeyay daneeyayaasha kala duwan.
Golaha qaran ee imtixaannada ee KNEC ayaa imtixaankan qaban doono bisha Toddobaad ee sanad waliba.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in imtixaankan lagu bartilmaameedsan doono ardayda doonaya in ay mar kale sameeyaan KCSE-da ama kuwa seegay xanuun mise arrimo kale oo aan la filan awgood.
Sidoo kale imtixaankan ayaa lagu tixgelin doonaa dadka waawayn.
Sida caadiga ah waxaa imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da la sameeyaa dabayaaqada sanad kasta.
Home Wararka Kenya Wasaaradda tacliinta ee dalka oo shaacisay imtixaan la sameyn doono bisha Toddobaad