Ugu yaraan 800 oo ka mid ah waalidiinta ciidamada qalabka sida iyo saraakiisha kaydka ah ee Israa’iil ayaa Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ka dalbaday inuu soo afjaro duullaanka militari.
Waxay sheegeen in aynan doonayn in Qaza ay xabaalo u noqoto carruurtooda.
Waxay arrintan ku soo aadaysa iyadoo laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii , duqeymaha militari ee ay weli Israa’iil ka wado Qaza lagu dilay in ka badan 45,936 Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 109,274 kale.
Weerarkii Xamaas ay xilligaasi ku qaadday Israa’iil ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 1,139 halka gacanta lagu dhigay in ka badan 200 ruux oo kale.