Natiijada KCSE-da ee sanadkii 2024-kii oo la shaaciyay

0
270

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Julius Migos Ogamba ayaa maanta shaaciyay natiijada imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee (KCSE) ee sanadkii hore.
Waxaa uu wasiirku sheegay in ardayda ay natiijadooda ka heli karaan lifaaqa barta golaha qaran ee imtixaannada ee KNEC ee (https://results.knec.ac.ke).
Waxaa ardayga laga doonaya inuu halkaasi geliyo lambarkii uu isku diiwaangeliyay ee loo yaqaano Index Number iyo magacyadiisa saxda ah.
Wasiir Ogamba ayaa ardayda caqabadaha kala kulma helidda natiijadooda ku boorriyay in ay golaha imtixaannada qaran ee KNEC kala xiriiraan lambarrada tooska ee kala ah 0800724900 ama 0800721410.
Waxaa sanadkii hore imtixaanka KCSE-da sameeyay arday isugu jiray 480,310 wiilal ah iyo 482,202 oo gabdho ah.
Wasiirka tacliinta ee dalka ayaa maanta sheegay in arday dhan 1,693 ay heleen buundada ugu sarreysa ee A.
Tiradan ayaa sanadkii 2023-kii ahayd 1,216.
Wasiirka ayaa sheegay in imtixaanka KCSE-da ee sanadkii hore la saxay iyadoo aan la aqoonsan ardayga si loo hubiyo daahfurnaanta.
Waxaa uu intaasi ku daray in ardayda helay buundada loogu biiro jaamacadda ee C+ iyo wixii ka sarreeya ay tiradoodu tahay 246,39.
Tani ayaa u dhiganta boqolkiiba 25.53 ee arday gaaraya 965,501 oo KCSE-da ku sameeyay 10,755 xarumood guud ahaan dalka.
Arday dhan 46,889 ayaa soo hooyay buundada C-minus iyo wixii ka sarreeya tani ayaana u dhiganta boqolkiiba(49.41),halka inta heshay D-plus iyo wixii ka badan ay yihiin 605,774 oo ah boqolkiiba (62.76).
Waxaa buundada ugu hooseysa ee E helay 48,333 oo arday ah waxayna isugu jiraan dumar ah 20,112 iyo 28,221 rag ah.
Sidoo kale waxaa tallaabo laga qaadi doonaa 91 ka mid ah khuburradii loo xilsaaray maareynta imtixaanka kuwaasi oo fududeeyay falalka wax isdaba marinta.
Wasiirka waxbarashada ee dalka Julius Migos Ogamba ayaa sidoo kale sheegay in waxba kama jiraan laga soo qaaday natiijooyinka 840 arday oo lagu helay wax isdaba marin dhanka imtixaanaadka ah.
Wasiirka ayaa xusay in la hakiyay soo saaridda natiijooyinka 2,829 arday ah oo laga shakiyay in ay khiyaano sameeyeen .
Waxaa uu tilmaamay in ay baaritaanno socdaan laguna soo gabagabeyn doono 30 cishe gudahooda.
Bishii hore ayay ahayd markii uu wasiirka sheegay in natiijada lagu dhawaaqi doono toddobaadka labaad ee bishan Jannaayo.
Waxaa uu xilligaasi tilmaamay in wasaaradda tacliinta ee waddanka ay diiwaangelisay kiisaska wax isdaba marinta dhanka imtixaanaadka oo gaaraya 621 kuwaasoo laga soo tabiyay 198 xarumood oo imtixaanka KCSE-da lagu sameynayay.
Dowladda ayaa 2024-kii howlgelisay saraakiil dhan 32,800 si loo xaqiijiyo in uunan dib u dhac ku imaan sixidda warqadaha imtixaanka.
Tirada macallimiinta ee howshan loo xil saaray sanadkii 2023-kii ayaa ahayd 29,876 .