Tirada dadka ku dhintay dhulgariir saameeyay Shiinaha oo sii korortay

0
343

Waxaa sare u sii kacay khasaaraha nafeed ee ka dhashay dhulgariir saameeyay gobolka Galbeed ee Tibet ee dalka Shiinaha.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in musiibadaasi ay ku nafwaayeen ugu yaraan 95 ruux.
Telefishinka dowladda Shiinaha ee CCTV ayaa tabiyay in ugu yaraan 130 qof oo dheeraad ah ay dhaawacmeen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in saameynta dhulgariirka laga dareemay dalalka Nepal, Bhutan iyo qaybo ka mid ah Waqooyiga India.
Wakaaladda rasmiga ah ee wararka dowladda Shiinaha ee Xinhua ayaa ku warramaysa in ay burbureen ugu yaraan 1,000 guriyo ah.