Ardayda jaamacadaha oo ku hanjabay dibadbaxyo ka dhan ah afduubyada

0
334

Hoggaamiyayaasha ardayda jaamacadaha dalka ayaa uga digay dowladda in ay abaabuli doonaan mudaaharaadyo cusub oo laga sameynaya dhammaan xarumaha tacliinta sare ee waddanka.
Dibadbaxyadan ayaa ah kuwa looga soo horjeeda kiisaska afduubyada ee sare u kacay iyo dib u dhaca mushaaraadka bareyaasha jaamacadaha.
Shir jaraaid oo uu qabtay ururka ardayda jaamacadaha dalka ee (KUSA), ayay madaxda ardayda waxay dowladda ku eedeeyeen inay ka gaabisay inay wax ka qabato dhacdooyinka sii kordhaya ee afduubka loo gaysanayo dhallinyarada.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in da’yartan badankooda ay ka tirsan yihiin ururka KUSA.
Hoggaamiyaha ururka KUSA , Teddy Omin Osano ayaa ku dhawaaqay in mudaaharaadyada ay billaaban doonaan 15-ka bishan Jannaayo marka dib loo furo jaamacadaha.
Sida ay sheegeen ardayda, waxaa nasiib darro ah in dowladda aynan wax badan ka qaban dhacdooyinka afduubka oo qoysas badan u horseeday dhibaato iyo xanuun aan la soo koobi karin.
Sidoo kale, ardayda ayaa ku dhawaaqay inay doonayaan in xukuumadda ay ku qasbaan inay bixiso dhammaan mushaaraadka ka maqan shaqaalaha jaamacadaha.
Ururka KUSA ayaa kula dardaarmay dhammaan ardayda wax ka barta jaamacadaha dalka in ay isu soo baxaan oo ay curyaamiyaan dhaqdhaqaaqyada ganacsi ee muhiimka ah si ay farriintooda ugu gudbiyaan maamullada ay khusayso.