Dowladda Maraykanka ayaa 11 maxaabiis ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Yemen kuwaasi oo lagu hayay xabsiga Guantanamo Bay u wareejisay xarun ku taalla waddanka Cummaan ee Bariga Dhexe.
Waaxda arrimaha gaashaandhigga ee xukuumadda Washington ayaa bayaan ku xaqiijisay arrinkan.
Waxay 11-ka qof xabsigaasi ku jireen in ka badan 20 sano iyagoo aan wax dacwad ah lagu soo oogin.
Tani ayaa qayb ka ahayd dagaalka uu Maraykanka kula jiro argagixisada.
Hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty International ayaa dhankeeda soo dhaweysay wareejinta maxaabiista.