Wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Syria ,Asaad Hassan al-Shaibani ayaa dowladda Maraykanka ka codsaday in ay waddankaasi ka qaaddo cunaqabateynta saaran.
Arrintan ayuu ka sheegay dalka Qatar oo uu safar ku tagay.
Waxaa uu sheegay in xannibaadda saaran Syria ay caqabad ku tahay dib u soo kabashada qarankaasi ay dagaalladu ragaadiyeen.
Wasiirka ayaa dhanka kale la kulmay wasiirka difaaca ee Qatar Murhaf Abu Qasra iyo madaxa sirdoonka Anas Khattab.
Ra’iisul Wasaaraha Qatar Sheekh Maxamad bin Cabdulraxmaan bin Jassim Al Thani ayaa dhankiisa carrabka ku adkeeyay in Qatar ay diyaar u tahay tageeridda midnimada, gobonnimada iyo madax bannaanida Syria.