DHAGEYSO:Baadariyaasha oo dalbanaya in taliyaha guud ee booliiska iyo agaasimaha DCI-da ay is casilaan

0
262

Hoggaamiyaasha kaniisadaha dalka ayaa dowladda ku dhaliilay in ay ka gaabisay wax ka qabashada falalka afduubyada ah ee la soo tabiyay.
Waxay dowladda ugu baaqeen in ay xoogga saarto sidii ay xurriyadooda dib ugu heli lahaayeen dhallinyarada wali xurriyadooda dib u helin ee la waayay sanadkii hore ee ay weli qoysaskooda murugeysan yihiin.
Baadariyaasha ayaa dhanka kale taliyaha guud ee booliiska ee dalka Douglas Kanja iyo agaasimaha waaxda dambi baarista ee dalka ee DCI-da Maxamad Ibraahim Aamin ka dalbaday in ay is casilaan.