Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladda ay qaadday tillaabooyin cad oo lagu soo afjarayo dilalka sharci darrada ah ee ka dhaca waddanka.
Waxaa uu sheegay in maamulkiisa uu booliiska gacan ku siinaya sidii looga hortaggi lahaa dilaka sharci darrada ah.
Madaxweynaha ayaa xusay in maamulkiisa uusan dalka dib ceelin doonin waayihii mugdiga ahaa ee la soo tabin jiray dilalka sharciga ka baxsan.
William Ruto ayaa caddeeyay in dowladda ay ka go’an tahay inay garab buuxa siiso sidii looga gudbi lahaa dilalka aan sharciga ahayn.
Waxaa uu tilmaamay in siyaasadda dowladda ay tahay in la baaro dhammaan fal dambiyeedyada, islamarkaana tallaaboyin sharciyeed la mariyo shakhsiyaadka dambiyada gaysta.
Madaxweyne Ruto ayaa ku boorriyay kenyaaanka in ay ka fogaadaan siyaasadaha isdiidan oo ay diiradda saaraan dadaallada lagu horumarinaya qaranka.
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo sheegay in dowladda ay ku dadaaleyso soo afjaridda dilalka...