Kooxaha xuquuqul aadanaha oo doonaya in dacwadaha dadka la afduubtay loo gudbiyo maxkamadda ICC-da

0
171

Labo koox oo ka mid ah kuwa u ololeeya xuquuqul aadanaha ayaa maxkamadda sare ka codsaday in ay amar ku bixiso in dacwadaha la xiriira kiisaska afduubyada ee ka dhacay dalka ay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dorcas Oduor u gudbiso maxkamadda caalamiga ee dembiyada ee (ICC).
Ururradan ayaa kala ah Kituo Cha Sheria iyo Mathare Social Justice Centre.
Waxay dalbanayaan in maxkamadda sare ee dalka ay ku dhawaaqdo in dhacdooyinka afduubyada ay yihiin dembiyo ka dhan ah baniaadannimada.
Sidoo kale, dacwadda ay u gudbiyeen maxkamadda waxay ku sheegeen in booliiska Kenya aysan awoodin inay ka hor tagaan ama baaraan dembiyadan.
Dr. John Khaminwa oo ah qareenka labada koox matalaya ayaa ku dooday in farqada 7-aad, qaybteeda koowaad ee xeerka Rome Statute ee lagu soo dhisay maxkamadda ICC-da uu dhigayo in afduubyada oo loo adeegsado caburin siyaasadeed ay tahay dembi ka dhan ah baniaadannimada.
Qareenka ayaa intaasi ku daray in taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Douglas Kanja uu qirtay in booliisku aysan ku lug lahayn afduubka uu baaraya maamulka madaxa bannaan ee kormeera howlaha booliiska ee IPOA.
Sida laga soo xigtay kooxaha u ololeeya xuquuqul insaanka , qirashada Kanja waxay ka dhigan tahay in aan saraakiisha ammaanka lagu aamini karin inay daaha ka rogaan xaaladaha aan la fahmi karin ee ku gadaaman afduubka.
Dhallinyarada la waayay ee aan weli meel lagu ogayn ayaa kala ah, Gideon Kibet, Bernard Kavuli, Peter Muteti, Billy Mwangi, Rony Kiplangat iyo Steve Kavingo.