In ka badan 32 qof oo lagu dilay Qaza

0
269

Ugu yaraan 32 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarro ay weli militariga Israa’iil ka wadaan Marinka Qaza.
In ka badan 12 ruux oo dadkan ka mid ah ayaa looga takhalusay aagga banniaadannimo ee al-Mawasi ee Koonfurta Qaza.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dhanka kale ilaa 8 carruur ah ay Qaza ugu geeriyoodeen xaaladda loo yaqaano hypothermia oo ah inuu hoos u dhaco heerkulka jirka.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee 2023-kii , waxaa duqeymaha ay weli Israa’iil ka wado Qaza lagu dilay in ka badan 45,553 oo Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 108,379 kale.