DHAGEYSO:Mucaaradka oo dowladda u qabtay 7 cishe oo ay ku soo afjaraysa afduubyada

0
278

Hoggaamiyaasha garabka mucaaradka ee dalka ayaa dowladda u qabtay muddo kama dambeys oo 7 cishe ah oo ay ku soo afjaraysa falalka afduubyada ee la soo tabiyay.
Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka iyo dhiggiisa DAP-K Eugene Wamalwa ayaa sidoo kale maamulka madaxweyne William Ruto ka dalbaday in isbuuc gudihiisa lagu soo siidaayo ugu yaraan 6 dhallinyaro ah oo la waayay.
Xilli ay ku sugnaayeen deegaanka Bariga Mumias ee ismaamulka Kakamega, ayay siyaasiyiintan wacad ku mareen in haddii aan baaqooda la tixgelin ay hoggaamin doonaan dibadbaxyo waawayn .
Waxay dalbadeen in si shuruud la’aan ah ay xurriyadooda dib ugu helaan da’yarta la afduubtay bishii hore.
Sidoo kale , waxay ku baaqeen in la hakiyo xubinnimada Kenya ee golaha xuquuqul aadanaha ee qaramada midoobay.