Ururka ay ku mideysan yihiin shaqaalaha jaamacadaha dalka ee (UASU) ayaa dowladda u qabtay muddo 14 cishe ah oo ay ku bixinaysa mushaaraad uga maqan howlwadeennadan laga soo billaabo bishii Sagalaad ee sanadkii tagay.
Mas’uuliyiinta UASU ayaa wacad ku maray in haddii aan sidan la sameyn in ay shaqo joojin guda geli doonaan 15-ka bishan Jannaayo.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in aan la oofin ballan qaadyo dhowr ah oo uu u sameeyay wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Julius Ogamba.
Bareyaasha ayaa sheegay in bishii Diseembar ee sanadkii 2024-kii aan wax mushaar kordhin ah loo sameyn in kastoo bishii Sagalaad ay xoghayaha tacliinta sare ee waddanka ,Beatrice Inyangala amartay in taasi la dhaqangeliyo.
Hoggaamiyaasha ururka shaqaalaha jaamacadaha dalka ee UASU ayaa dalbanaya inuu is casilo wasiirka wasaaradda waxbarashada Julius Ogamba.
Waxay ku eedeynayaan inuu ku guul darreystay ka dhabeynta ballan qaadyadii ay dowladdu sameysay.
UASU ayaa soo saartay digniin ah in shaqo joojinta qorsheysan ay noqon doonto mid aan fududeyn.
Home Wararka Kenya Bareyaasha jaamacadaha oo sheegay in ay labo toddobaad ka dib billaabayaan shaqo...