Madaxweynaha dalka William Ruto oo xalay jeediyay khudbadiisa sanadka cusub ee 2025-ka ayaa ballan qaaday in la sii wadi doono kobcinta dhaqaalaha qaranka, sare u qaadidda wax soo saarka beeraha iyo dhaqangelinta isbeddelo la xiriira caafimaadka iyo waxbarashada.
Hoggaamiyaha waddanka ayaa ku baaqay midnimo iyo in mas’uuliyad wadareed la iska saaro la tacaalidda caqabadaha bulsho iyo kuwa dhanka habdhaqanka ee jira.
Waxaa uu kenyaanka ku boorriyay in ay caqabad kasta fursad u beddelaan oo ay dadaalkooda sii laba jibaaraan.
William Ruto ayaa xusay in qof kasta oo kenyaan ah laga doonaya inuu muujiyo xilkasnimo oo ay ficilladiisa noqdaan kuwo xoojinaya midnimada ,waddaniyadda,dimuqraadiyadda iyo tixgelinta xuquuqda oo aynan noqon kuwo arrimahan carqaladeynaya.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale waalidiinta ugu baaqay in ay si dhow ula socdaan habdhaqanka carruurtooda .
Waxaa uu tilmaamay in aynan micno wayn lahaan doonin waxyaabaha la sameynaya haddii aan dhallinyarada iyo carruurta si wanaagsan loo hagin.
Waxaa uu soo hadal qaaday horumarradii la sameeyay sanadkii tagay iyo culeysyadii la soo maray 2024-kii .
Madaxweyne William Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in kastoo ay jireen caqabado culus , haddana in si wadajir ah loo wada shaqeeyay oo laga gudbay.
Waxaa uu xusay in 2024-kii la xasiliyay qiimaha shilinka dalka marka lagu sarrifo lacagaha qalaad.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa intaasi ku daray in sicir bararka uu yaraaday boqolkiiba 2.7 iyadoo la qaaday tallaabooyin dhanka caafimaadka ah oo ku saleysan caymiska cusub ee Taifa Care.
Madaxweyne William Ruto ayaa sidoo kale xusay in guulo laga gaaray la tacaalidda cunno yarida , shaqo abuurka iyo mashruuca guriyaha la awoodi karo ee ay dowladdu dhisaysa.
Waxaa uu tilmaamay in qorshaha dowladda dhexe uu yahay in la hirgeliyo 873,000 oo guriyo dheeraad ah sidoo kalena la abuuro fursado shaqo oo gaaraya 200,000.
Madaxweynaha ayaa sheegay in haddii la isku duubnaado oo la dadaalo, in la haleeli karo isbeddelka loo baahan yahay.