Kenyaanka badankooda oo aaminsan in waddanka uu jaho khaldan ku socdo

0
141

Ra’yi uruurin ay sameysay shirkadda daraasaadka ee Infotrak ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 76 ee dadweynaha ay qabaan in waddanka uunan jaho wanaagsan ku socon.
Waxay tani u aaneeyeen heerka sii kordhaya ee rajo xumada ay kenyaanka ka qaban sanadka cusub ee 2025-ka ee maanta billowday.
Sidoo kale, dadka ka qayb qaatay daraasaadka shirkadda Infotrak ayaa boqolkiiba 30 aaminsan in 2025-ka uu noqon doona sanad wanaagsan marka loo barbardhigo 2024-kii.
Boqolkiiba 70 ayaa hubin ama dareemaya in ay ka sii dari doonto dhaqaalaha sii xumaanaya.
Waxay tani u aaneynayaan hoos u dhaca dhaqaale ee jira, maamul xumo, canshuurta oo sarreysa iyo shaqo la’aanta.
Marka la eego dadka ka qayb qaatay ra’yi uruurinta, in boqolkiiba 64 ee kenyaanka ah ay dareensan yihiin in sanadkii hore ee 2024-kii guud ahaan uu ahaa mid dhib badan.
Dadka la wareystay ayaa xusay in mas’uuliyiinta aynan tixgelin aragtidooda marka ay ka ra’yi dhiibtaan arrimaha masiiriga ah.