Maamulka Taalibaan ee dalka Afghanistan ayaa sheegay inay xirayaan dhammaan hay’adaha aan dowliga ahayn iyo kuwa shisheeye ee ka howlgalla waddankaasi.
Wasaaradda dhaqaalaha ee maamulka Taalibaan ayaa sheegtay in hay’adaha aan dowliga ahayn ee NGOs ee dalkaasi ay lumin doonaan shatiyada ay uga shaqeeyaan Afghanistan.
Amarka wasaaaradda ayaa ahaa in hay’adahaasi aysan shaqaaleysiin haweenka.
Awaamiirtan la soo saaray labo sano ka hor ka dib markii maamulka Taalibaan uu hay’daha NGOs-yada ku amray inay joojiyaan shaqaaleysiinta haweenka Afghanistan.
Waxaa hay’adahan lagu eedeeyay inaynan u hoggaansamin amarka nidaamka labiska Islaamka ee haweenka la shaqeeya.
Wasaaradda dhaqaalaha ee Taalibaan ayaa sheegtay inay mas’uul ka tahay diiwaangelinta, isku-dubbaridka, hoggaanka iyo kormeerka dhammaan howlaha ay fuliyaan hay’adaha NGOs-yada ee dalkaasi iyo kuwa shisheeye.
Waxay wasaaradda dhaqaalaha waddankaasi mar kale amartay in la joojiyo dhammaan shaqaaleysiinta haweenka ee xarumaha aysan maamulin Taalibaan.