Madaxa xisbiga Wiper kana mid ah hoggaamiyaasha sare ee mucaaradka dalka ayaa si kulul cambaareeyay falalka afduubka ah ee laga soo tabiyay qaybo ka mid ah waddanka.
Waxaa uu sheegay in dhacdooyinkan ay yihiin kuwo sharci darro ah.
Kiisaska afduubyada sii kordhaya ayuu ku tilmaamay kuwo xadgudub weyn ku ah xuquuqda aadanaha.
Hoggaamiyaha mucaaradka oo jeediyay khudbaddiisa ugu dambeysay ee sanadkan, ayaa ku andacooday in kuwa afduubka gaysanaya ay yihiin koox ay si weyn dowladda looga yaqaana.
Kalonzo ayaa hadda doonaya in maamulka madaxweyne William Ruto uu joojiyo dhacdooyinka la xiriira afduubka.