DHEGEYSO:SoDMA oo ku dhawaaqday in dalka Soomaaliya uu galay xaalad adag

0
299

Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday in dalka uu galay xaalad adag, ka dib markii ay ka sii dartay marxaladda abaareed ee waddankaasi.
Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Soomaaliya Maxamuud Macallin Cabdulle oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee hay’adda SODMA ayaa sheegay in loo baahan yahay gurmad iyo dadaal aan kala har lahayn, ka dib markii uu baaqday xilli roobaadkii dayrta ee la filayay bilihii Sagaalaad, Tobnaad iyo 11-aad ee sanadkan.
Sida ay muujinayaan warbixinnadii u dmnbeeyay in ka badan 5.98 milyan oo qof ayaa hadda u baahan gargaar bani’aadannimo iyo garab istaag deg-deg ah.
Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa ugu baaqay hay’adaha dowladda, dadka Soomaaliyeed ee wax haysta iyo deeq bixiyayaasha in wadajir loogu istaago u qareemidda gargaarka iyo sidii looga hortagi lahaa in abaartu ka gudubto xaddiga ay hadda joogto.
Ugu dambeyntiina, guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka ee SoDMA ayaa u mahadceliyay dowladaha iyo deeq bixiyayaasha taageerada muujiyay.