DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in tallaalka xoolaha uusan qasab ahayn

0
238

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in qorshaha ay dowladda ku tallaaleysa xoolaha uusan qasab ahayn.
Waxaa uu ku boorriyay xoola dhaqatada iyo beeralayda inay taageeraan tallaalka xoolaha.
Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in wararka la isla dhexmarayo ay yihiin kuwo been abuur ah.
Waxaa uu xusay in qorshaha lagu tallaalaya xoolaha ay sahlayso in hilibka loo iibgeeyo dalalka shisheeye.

Hadalkan ayuu madaxweynaha maanta ka jeediyay magaalada Kilgoris ee ismaamulka Narok.