Maxkamadda sare oo amartay la siidaayo 6 dhallinyaro ah oo dhawaan la afduubtay xilli ay u yeertay taliyaha guud ee booliiska

0
315

Maxkamadda sare ee dalka ayaa amartay in si degdeg ah loo soo siidaayo lix qof oo dhallinyaro ah oo ay ku jiraan Gideon Kibet, Bernard Kavuli, Billy Mwangi iyo Peter Mutet kuwaas oo la sheegay in la xiray ama laamaha ammaanka ay afduubteen.
Waxaa go’aankan soo saaray garsoore Bahati Mwamuye oo ka howlgala maxkamdda sare ee waddanka.
Go’aanka maxkamadda ayaa yimid ka dib dacwad uu gudbiyay ururka qareennada dalka ee (LSK).
LSK ayaa sheegtay in si sharci darro ah ay booliiska u xireen dhallinyarada la waayay.
Maxkamadda ayaa sidoo kale soo saartay amar booliiska looga hor istaagayo inay dacwad ku soo oogaan dadka la waayay iyada oo oggolaansho ka helin maxkamadda sare.
Dhanka kale, taliyaha guud ee ciidanka booliiska Douglas Kanja ayaa si shakhsi ah looga yeeray maxkamadda si uu u sharraxo halka ay ku sugan yihiin dhallinyarada la waayay ee la afduubtay.
Waxaa sidoo kale taliyaha la amray inuu hubiyo in dhallinyaradaasi la horkeeno maxkamadda.
Maxkamadda ayaa sidoo kale amartay in agaasimaha guud ee maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee (NTSA) George Njao ama saarkaal matalaya maamulkan uu maxkamadda horyimaado 3-da bisha Koowaad ee sanadka 2025-ka, si uu u bixiyo diiwaanada gawaaradii loo adeegsaday afduubka dhallinyarada la waayay.