Mid ka mid ah afartii qof oo Kenyaan ah oo laga helo xanuunka dhimirka

0
535

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in mid ka mid ah afartii qof laga helo xanuunka dhimirka gudaha wadanka.
Xoghayaha maamulka sare ee wasaaradda caafimaadka Dr. Rashid Aman ayaa sheegay in ugu yaraan 40 boqolkiiba dadka laga helo cudurkan la dhigo xarumaha caafimaadka ee lagu daryeelo bukaan socodka.
Sida laga soo xigtay agaasimaha wasaaradda caafimaadka u qaabilsan xanuunnada dhimirka Dr. Simon Njuguna ,caqabadaha hortaagan caafimaadka maskaxda waxaa ka mid ah cilmi baaris la’aan, faquuq ,helitaanka daryeelo tayo leh oo xaddidan sidoo kale hoggaan iyo maamul liito.
Dhanka kale wakiilka hay’adda caafimaadka adduunka WHO ee dalka Dr. Rudi Eggers ayaa carabka ku dhuftay in caafimaadka dhimirka u yahay sababta labaad ee keenta dhimashada dhallinyarada.
Waxaa uu dowladda ugu yeeray in tageero u muujiso dadka qaba xanuunka dhimirka, isagoo ugu baaqay inay maalgeliso xarumaha caafimaadka maskaxda.
Waxaa uu intaa ku daray in Kenya ay ka mid tahay 28 dal oo aan lahayn miisaaniyad caafimaad oo sax ah.
Ku xigeenka wakiilka barnaamijka qaramada midoobey ee horumarka ee UNDP ee dalka Mandisa Mashologu ayaa dhankeeda sheegtay in aafada COVID-19 ay tahay dhibaato caafimaad islamarkaana noqon karta dhibaato weyn oo xagga maskaxda ah haddii aan tallaabo la qaadin.
Waxaa sidoo kale sii kordhaya kiisaska xadgudubka carruurta iyo isticmaalka mukhaadaraadka ee dhallinta ku sugan goobaha tacliinta.
Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada ee dalka Ilyaas Cabdi ayaa sheegay in caqabadaha ay cirka isku shareereen inta lagu guda jiray cudurka sii faafaya ee COVID19 taas oo muujineysa culeyska maskaxda ee uu soo kordhiyay fayraska Corona.
Mas’uuliyiintan ayaa hadalladan ka jeediyay madal ay ka qeyb galeen oo maanta looga hadlayay caafimaadka dhimirka.