Milateriga Soomaaliya oo howlgalo gaar ah fuliyay

0
450

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliya ee DANAB ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo la sheegay inay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Howlgalkaan oo Saraakiisha hoggamineysay ay sheegeen inuu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay ayaa Ciidamada DANAB waxay ka sameeyeen Degaanka yaaq bariweyne ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo deegaank kale oo u dhow dhow.
Ciidamada ayaa howlgalkooda waxaay ku galayeen Guryaha, iyagoo baaritano ku sameeynayay, waxaana saraakiil ka tirsan Ciidamada DANAB ay Warbaahinta dowladda Soomaaliya u sheegeen in howlgalka uu Yimid kadib markii degaankaas lagu arkay xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Saraakiishu ma sheegin waxyaabo lagu soo qabtay howlgalka, hayeeshee Waxay Tilmaameen inay sii socon doonaan howlgalladaan ilaa degaanka yaaq Bariweyne iyo degaannada ku dhow dhow laga saarayo Xubnaha ka Tirsan Ururka Al-Shabaab.