Guddiga adeegga macallimiinta dalka ee TSC ayaa billaabay wajiga koowaad ee tijaabo la xiriirta diiwaangelin dijitaal ah .
Waxaa arrinkan lagu bartilmaameedsanayaa 143 xarumood.
Diiwaangelintan ayaa laga sameynayaa 7 ka mid ah ismaamullada wadanka sida Uasin Gishu, Homa Bay, Bungoma, Nyeri, Kilifi, Kitui iyo Garissa.
Agaasimaha TSC Ibraahim Muumin ayaa barnaamijkan saaka ku daahfuray dugsiga sare ee wiilasha ee Nyeri.
Waxaa uu Muumin sheegay in loo baahan yahay in la cusbooneysiiyo macluumaadka lagu diiwaangeliyay barayaasha dalka.
Mas’uulkan ayaa sheegay in xogta la uruurinaya ay dowladda dhexe gaar ahaan wasaaradda waxbarashada ka caawin doonto qaadashada go’aanada muhiimka ah.
TSC ayaa bishii Afaraad ee sanadkan sheegtay in 224,075 macallimiin ah ay wax ka dhigaan dugsiyada hoose dhexe ee dowladda oo gaaraya 22,821 .
Sidoo kale macallimiinta dugsiyada sare ayaa tiradoodu bil ka hor lagu sheegay 117,120 .