DHAGEYSO:Gachagua oo ku hanjabay in ay mudaaharaad ku baaqi doonaan

0
213

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ,madaxa xisbiga DAP-K Eugene Wamalwa iyo xoghayihii guud ee hore ee xisbiga UDA Cleophas Malala ayaa dalbaday in la joojiyo falalka afduubka ah ee dhacaya.
Waxay ku baaqeen in si degdeg ah loo soo siidaayo dhowr dhallinyaro oo la waayay.
Madaxdan ayaa hoggaamiyaha dalka William Ruto ugu baaqay inuu ka dhabeeyo hadalkiisi ahaa in la soo afjaraya afduubyada.
Siyaasiyiintan ayaa wacad ku maray in haddii afduubyada ay sii socdaan in ay bisha Koowaad ee sanadka cusub qaban qaabin doonaan dibadbaxyo.

Dhanka kale, xildhibaanadda deegaanka Aldai ee ismaamulka Nandi Marianne Jebet Kitany ayaa dalbatay in madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua uu farriin ka qoro xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista waddanka ee DCI-da maadaama uu dhawaan sheegay inuu garanaya kooxda gaysanaysa afduubyada ka dhanka ah dhallinyarada.