DHAGEYSO:Wakiilka deegaanka hoose ee Labisiigaale oo baaq u diray madaxda Soomaaliya

0
130

Wakiilka laga soo doortay deegaanka hoose ee Labisiigaale ee deegaanka Dadaab Maxamad Sheekh Cabdi ayaa farriin nabadeed u diray dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedka Jubbaland.
Waxaa uu ku baaqay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Jubbaland Axmad Maxamad Islaam (Axmad Madoobe) ay wada hadlaan si loo helo xal siyaasadeed.
Waxaa uu xusay in maadaama qaxooti badan oo ka soo qaxay Soomaaliya ay muddo dheer marti galiyeen aan hadda mar kale loo baahnayn in dad dheeraad ah la soo qixiyo si aan culeyska loogu sii kordhin xeryaha qaxootiga ee Dadaab.
Wakiilka ayaa sidoo kale sheegay in dadka ku nool duleedka xerada qaxootiga ee Dhagaxleey gaar ahaan qaxootiga cusub ee la geynayo xerada cusub ee IFO2.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in meelaha ay dadkan deggan yihiin aan loogu talagelin qaxootiga, xilli uu arrimahan ka hadlayay ayuu wakiilka deegaanka hoose ee Labisiigaale yiri.