Kalonzo Musyoka oo ku baaqay in la qadariyo hay’adaha madaxa bannaan

0
435

Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa shacabka iyo siyaasiyiinta dalka ku boorriyay in ay ixtiramaan hay’adaha madaxa bannaan ee dastuuriga ah.
Kalonzo ayaa tusaale u soo qaatay xafiiska madaxweynaha oo uu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in aan lagu xadgudbin.
Waxaa uu ka jawaabayay go’aan dhawaan ka soo baxay maxkamadda dalka kaasoo lagu sheegay in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ka tallaabsaday xeerarka dalka xilligii isaga iyo Raila Odinga ay billaabayeen qorshaha sharci beddelka ee BBI.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka ayaa xusay in kasta oo uusan garsoorayaasha ku taageersanayn amarkii ay ku laaleen BBI haddana dhanka kale ay khasab tahay in la siiyo xushmadda ay mudan yihiin.
Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in aan lagu degdegin arrin kasta oo khalkhal keeni karto.
Mr. Musyoka ayaa cid kasta oo aan ku qanacsanayn go’aanka maxkamadda sare ugu baaqay in ay sharciga ilaaliso oo ay racfaan ka qaadato iyada oo aan la dhaliilin xaakinada.