DHAGEYSO:Taliyeyaasha saldhigyada booliska Dhuusamareeb iyo Matabaan oo la magacaabay

0
360

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa taliyeyaal Cusub u Magacaabay Saldhiga Ciidanka Booliska Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug iyo Saldhiga Booliska degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.
Wareegto kaso baxay Xafiiska Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa xilka Taliyaha Booliska Magaalada Dhuusamareeb loogu Magacaabay Gaashaanle Maxamed Xasan Warsame, halka Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan loo Magacaabay Dhame Nuur Cilmi Maxamed.
Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa taliye kuxigeenka qeybta Guud ee Booliska Gobolka Mudug waxaa uu u Magacaabay Gaashaanle Maxamed Mire Maxamuud, kaasoo hore u ahaa Taliyaha Saldhiga Booliiska Magaalada Dhuusamareeb.
Taliyaha Booliska Soomaaliya wuxuu amray Taliyaha qeybta Guud ee Booliska Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug inuu howlgeliyo Saraakiisha la Magacaabay, isla markaana uu u dalbo xaquuqda ay leeyihiin.
Dhanka kale Dowlada hoose ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa Kormeer ku Samaysay howlaha dhismayaasha Wadooyinka Magaalada Dhuusamareeb loogu dhisayo.
Guddoomiyaha magaalada Dhuusamareeb Shaqaalaha kale ee Xafiiskiisa ayaa Guddiyada dhismahaan waxay ka dhagaysteen Warbixinta la Xiirta dib u dhiska waddooyinka xaafadaha Magaalada.

Gudoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb Macalin C/raxmaan Geed-Qorow ayaa ku yaboohay lacago maamulku ku bixinayo dhismaha wadodoyinka Xaafadaha wuxuuna Ganacsatada ugu baaqay inay dadaalkaan Isxilqaanka ah ee Waddooyinka Magaalada Lagu dhisayo Qayb ka Noqdaan.

Dhismaha iyo dib u dayactirka lagu Samaynayo waddooyinka dhexmara Xaafadaha Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa soo Bilowday Mudo 3 todobaad laga joogo waxaana qaybta ugu weyn ka qaadanaya Shacabka oo si Isxilqaanka ku bixiyay Maalka iyo Muruqa intaba.