LSK oo dowladda ku dhaliishay in aynan waxba ka qaban falalka afduubka ee la soo tabiyay

0
504

Ururka qareennada dalka ee (LSK) ayaa dowladda ku dhaliilay in ay ka aamusan tahay dhacdooyinka afduubka ee la soo tabiyay in loo gaystay qaar ka mid ah dhallinyarada.
Madaxa LSK,Faith Odhiambo ayaa bayaan ku sheegtay in ay walaac xooggan ka muujinayaan sida aan waxba looga qaban falalkan.
Waxay hoosta ka xarriiqday in tani ay wax u dhimaysa kalsoonida ay shacabka ku qabaan dowladda gaar ahaan ilaalinta xuquuqdooda.
Faith ayaa dalbatay in si degdeg ah loo shaaciyo halka lagu hayo dadka la waayay ,in si shuruud la’aan ah loo soo siidaayo ama maxkamadda loo soo taago.
Madaxa ururka qareennada ee waddanka ayaa intaasi ku dartay in aan keliya lagu qanci karin in booliiska ay iska fogeeyeen ku lug lahaanshaha afduubyada iyadoo uu sii kordhaya walaaca arrintan laga muujinaya.
Waxay sidoo kale su’aal gelisay hoggaaminta taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Douglas Kanja oo ay xustay inuu beeniyay eedeymaha loo jeediyay saraakiisha ammaanka iyadoo aan la qaadin tallaabooyin cad oo la xiriira baaritaanno.
Waxay kenyaanka gaar ahaan qoysaska iyo ehellada dadka la waayay ka codsatay in ay soo gudbiyaan xogaha la xiriira afduubyada iyo qaabkii ay u dhaceen.
Faith ayaa sheegtay in ururka LSK uu doonaya inuu macluumaadkan diiwaangeliyo si uu u guda galo tallaabo sharciyeed oo ka dhan ah dowladda.
Waxay intaasi ku dartay in ay dabagal ku sameynayaan xadgudub kasta oo ka dhan ah xuquuqul aadanaha oo la gaystay.
Madaxa ururka qareennada ee dalka waxay xustay in ay sameyn doonaan olole maxalli iyo mid caalami ah oo lagula xisaabtamaya dadka ka dambeeya afduubyada.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dhanka kale guddiga qaran ee xuquuqul insaanka ee (KNCHR) uu walaac xooggan ka muujiyay kororka naxdinta leh ee afduubyada ka dhacaya dalka.
Guddiga ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in 13 kiis oo cusub la diiwaangeliyay saddexdii bilood ee la soo dhaafay taasoo tirada guud ee afduubka la gaystay ka dhigtay 82 tan iyo bishii 6-aad ee June ee sanadkan.
Tirada guud ee dadka la la’yahay tan iyo bishii Lixaad ee sanadkan ayaa ah 29 qof.
Iyadoo booliiska iyo waaxda dambi baarista ee DCI-da ay iska fogeeyeen eedeymaha la xiriira afduubyada ayay ururrada bulshada rayidka ah iyo hay’adaha u ololeeya xuquuqul insaanka dalbayaan in hay’adaha dowladda lagu sameeyo baaritaan hufan iyo isla xisaabtan dhab ah.