Ugu yaraan 50 qof oo lagu dilay Marinka Qaza

0
435

Ilaa 50 qof oo 5 ka mid ah ay yihiin shaqaalaha caafimaadka ayaa ku dhintay Qaza ka dib weerar dhanka cirka ah oo ay ciidamada Israa’iil gaysteen.
Duqeynta ayaa lala eegtay dhismo u dhow isbitaal ku yaalla Waqooyiga Qaza sida uu sheegay agaasimaha isbitaalka Kamal Adwan.
Wakaaladda wararka ee WAFA ayaa soo tabisay in weerar xalay ay Israa’iil ku qaadday guri ku yaalla magaalada Qaza lagu dilay ugu yaraan sagaal qof.
Sidoo kale, 72-dii saacadood ee u dambeeyay canuggii afaraad ayaa u geeriyooday qaboow saa’id ah oo ka jira Qaza.
Dhanka kale, madaxa hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay inuu ku sugnaa meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Sanca ee dalka Yemen markii ay halkaasi duqeynayeen diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil.
Waxaa lagu soo warramayaa in ugu yaraan lix qof lagu dilay duqeymihii ugu dambeeyay ee Israa’iil ay ka gaysatay waddankaasi.