Militeriga Israa’iil oo sheegay in ay soo rideen gantaal laga soo tuuray Yemen

0
159

Ciidamada militeriga Israa’iil ayaa sheegay in ay maanta soo rideen gantaal ballistic ah oo laga soo tuuray dalka Yemen ka hor inta uusan soo gelin dhulka Israa’iil.
Sida laga soo xigtay adeegyada degdegga ee dhanka caafimaadka ee Israa’iil, ma jiro dhaawac iyo dhimasho ka dhashay gantaalkaasi.
Dhanka kale ,ciidamada Israa’iil ayaa xusay in ay shalay soo gabagabeeyeen baaritaan ku sabsanaa dhimashda 6 qof oo ay Xamaas afduubatay kuwaas oo bishii 8-aad ee sanadkan la dilay.
Baaritaankan ayaa lagu sheegay in ay u badan tahay dilka loo gaystay dadkan in uu la xiriiro howlgallo milateri oo laga fuliyay Koonfurta Qaza.
Dabayaaqadii bishii Siddeedaad ee sanadkan ayay ahayd markii militeriga ay heleen meydadka dadkan oo ku jira god ku yaalla dhulka hoostiisa ee aagga Rafah iyagoo sheegay in dadkaasi la dilay daqiiqado ka hor.