Maareeyaha miisaaniyadda dowladda oo walaac ka muujisay kororka deymaha qaran

0
136

Haweeneyda hoggaamisa xafiiska maareeya miisaaniyadda dowladda Dr. Margaret Nyakang’o ayaa walaac ka muujisay amaahda dowladda ee sii kordhaysa taasi oo ka sare martay heerkii la ansixiyay ee boqolkiiba 55 ee dakhliga guud ee waddanka.
Waxay sheegtay in amaahda qaran ay hadda tahay boqolkiiba 67 ee wax soo saarka gudaha dalka ee GDP.
Dr. Nyakang’o ayaa arrinkan shaaca uga qaadday warbixinta dib-u-eegista miisaaniyadda dowladda ee saddexdii bilood ee ugu horreeyay sanad maaliyadeedka 2024/2025-ka laga soo billaabo 1-dii bishii Toddobaad ee July ilaa 30-kii bishii Sagalaad ee sanadkan.
Waxay sheegtay in 7 shilin oo ka mid ah 10-kii shilin ee canshuur ahaan loo qaado in deymaha lagu bixiyo.
Tani ayay hoosta ka xarriiqday in mudnaanta koowaad la siiyo marka loo barbardhigo qarashaadka kale.
Baarlamaanka dalka ayaa bishii Lixaad ee sanadkii hore ansixiyay soo jeedintii wasaaradda maaliyadda ee ahayd in boqolkiiba 55 ee dakhliga maxalliga ah lagu bixiyo amaahda.
Maareeyaha miisaaniyadda dowladda Dr. Margaret Nyakang’o ayaa warbixinteeda ku sheegtay in amaahda qaran ay sii kordhi doonto haddii aan la qaadin tallaabooyin degdeg ah.
Waxay intaasi ku dartay in dowladda looga baahan yahay in ay yareyso musuq-maasuqa iyo ku tagriifalka khayraadka dadweynaha si ay u xakameyso deyn qaadashada.
Tani ayaa imaaneysa 11 maalmood ka dib markii garsooraha maxkamadda sare Lawrence Mugambi uu amar ku bixiyay in dowladda 45 maalmood gudahood ay faahfaahin uga bixiso dhammaan heshiisyada deynta ee la galay.
Waxay dhanka kale arrintan ku soo beegmaysa iyadoo kenyaanka ay walaac ka muujinayaan amaahda aan lala xiriirin karin fulinta mashaariic gaar ah.
In kastoo madaxweyne William Ruto xilligii lagu guda jiray ololaha doorashada uu ballan qaaday inuu dhimi doono culayska deymaha ,haddana taasi ayaan laga dhabeyn.