Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, Axmad Maxamad Islaam (Axmad Madoobe), ayaa xalay ku dhawaaqay magacaabista madaxweyne ku xigeennadiisa koowaad iyo labaad.
Magacaabista ayaa lagu shaaciyay wareegto ka soo baxday madaxtooyada maamulka Jubbaland.
Wareegtada ayaa lagu caddeeyay in Maxamuud Sayid Aadan dib loogu magacaabay madaxweyne ku xigeenka koowaad, halka Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud loo magacaabay madaxweyne ku xigeenka labaad.
Magacaabista Maxamuud Sayid Aadan ayaa imaaneysa xilli gobolka Gedo, oo ah halka uu ka soo jeedo ay gacanta ku hayso dowladda federaalka Soomaaliya.
Tani ayaa ku soo aadeysa xilli xiisadaha siyaasadeed ee Jubbaland iyo dowladda federaalka ay sii kordhayaan.
Dhanka kale, wasiirka wasaaradda amniga ee xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Farataag ayaa haatan ku sugan gobolka Gedo, halkaas oo uu ka wado abaabul ka dhan ah maamulka Jubbaland.
Xiisadaha u dhexeeya Jubbaland iyo dowladda federaalka ayaa meel adag maraya.
Jubbaland ayaa ku eedeysay dowladda dhexe ee Soomaaliya inay waddo qorshe lagu kala furfurayo maamulkooda.