Senatarka Nandi oo soo jeediyay in la dilo qofkii lagu caddeeyo musuqmaasuq

0
151

Senatarka ismaamulka Nandi Samson Kiprotich Arap Cherargei ayaa ku taliyay in la adeegsado tallaabooyin adag oo lagula dagaallamaya musuqmaasuqa.
Waxaa uu soo jeediyay in cidii lagu helo ku lug lahaanshaha falalka wax isdaba marinta in sida ay sameyso dowladda Shiinaha oo kale, si aan qarsoonayn looga takhaluso.
Cherargei ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee X waxaa uu uga falcelinayay warbixin ku aadanayd in dhawaan Shiinaha lagu dilay sarkaal hore oo dowladeed kaasi oo lala xiriiriyay fal musuqmaasuq oo lagu lunsaday 412 milyan oo doollar.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladda Kenya laga doonaya in ay xoojiso dagaalka ay kula jirto musuqmaasuqa iyadoo adeegsanaysa qaabab aan fududeyn si aan loogu dhiirran lunsashada kheyraadka shacabka loogu adeego.
Cherargei ayaa intaasi ku daray in isla xisaabtanka iyo daahfurnaanta ay muhiim u yihiin xaqiijinta maamul wanaagga iyo raasimaalka oo si cadaalad ah loo qaybsado.
Senatarka ayaa sheegay in dowladda talada haysa ay ka go’an tahay la tacaalidda musuqmaasuqa.
Waxaa uu xusay in la doonaya in ay dhaqangeliso aragtidii dhallinyaradii bartamihii sanadkan sameynayay dibadbaxyada ee ahayd in qaab dil ah lagu ciqaabo dadka lagu helo falalka noocani ah.