177 maxaabiis ah oo laga siidaayay xabsiyada Venezuela

0
94

Dowladda dalka Venezuela ayaa sheegtay in ay xabsiyada ka siidaysay 177 maxaabiis dheeraad ah.
Dadkan ayaa ka mid ahaa ugu yaraan 2,000 oo ruux oo la xiray xilligii iskudhacyada ka dib doorashadii muranka dhalisay ee Venezuela ka qabsoontay 28-kii bishii Toddobaad ee July ee sanadkan.
Xeer ilaaliyaha guud ee Venezuela Tarek Saab ayaa shaaciyay tirada maxaabiista dib u helay xurriyadooda.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warramaysa in tani ay tirada guud ee maxaabiista laga siidaayay xabsiyada ilaa iyo hadda ay ka dhigaysa 910 qof.
Hasa ahaate, kooxaha u ololeeya xuquuqul aadanaha ee Venezuela ayaa warbaahinta u sheegay in aynan xaqiijin karin in la siidaayay dhamaan tirada maxaabiista ee ay shaacisay dowladda waddankaasi.
Ururradan ayaa intaasi ku daray in ugu yaraan 3 maxaabiis ah ay ku dhex geeriyoodeen xabsiyada.
Dibadbaxyadii dadkan lagu soo xiray ayaa ka dhashay go’aankii golaha doorashooyinka ee dalkaasi uu ku shaaciyay inuu codeynta ku soo baxay madaxweyne Nicolas Maduro in kastoo aan la soo bandhigin tiro rasmi ah.