Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetang’ula ayaa ismaamullada ku boorriyay in ay sare u qaadaan abaabulka shacabka ee ku aaddan isku diiwaangelinta caymiska caafimaadka ee SHA.
Xilli uu ku sugnaa deegaanka Budalangi ayuu bogaadiyay dowlad deegaanka Nyeri ,Murang’a iyo Embu oo uu xusay in ay ugu horreeyaan dhanka tirada dadweynaha isku diiwaangeliyay caymiskan.
Waxaa uu madaxda dowlad deegaannada kale kula taliyay in ay xoojiyaan in ay shacabka fahansiiyaan faa’iidada laga helaya barnaamijkan.