Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay maleeshiyaad hubeysan ay gubeen tuulooyin ku yaal Waqooyiga Magalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, halkaasoo maalmihii la soo dhaafay ay kajireen xiisado dagaal.
Tuulooyinka la gubay ayaa waxaa kamid ah tuulada Bacaad Buuko, halkaasoo meel u dhow ay isku hor-fadhiyaan laba maleeshiyo beeleed oo dhawaan ku dagaalamay deegaankaasi,oo kulamo lagu xalinayo Xiisada ka dhexaysa ay ka socdeen Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Dad Goobjoogayaal ay ayaa waxay warbaahinta Gudaha u sheegeen inuu jiro khasaaro dhaawac ah iyo burbur hantiyadeed oo dhacdadaas ka dhashay, iyadoo dadkii tuulada la gubay ku nool ay bilaabeen inay isaga barakacaan sababo la xiriira in anooyin qabiil oo ay ka Cabsi qabaan in loo dilo.
Maas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan weli kama hadlin Guryaha la gubay ee ku yaal tuulooyin hoostaga Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, hayeeshee maalmihii la so dhaafay ayaa waxaay wadeen shirar xal looga gaarayo labada maleeshiyo Beeleed ee dagaalantay.