Qaza oo lagu dilay tiradii ugu badneyd ee shacabka Falastiin

0
413

Ciidamada Israa’iil oo maalinkii Siddeedaad duullaan dhanka cirka ah ka wado marinka Qaza ee dalka Falastiin ayaa dilay ugu yaraan 42 qof .
Waxaa sidoo kale la dhaawacay in ka badan 50 qof.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa maanta sheegay in howlgallada aynan dhammaad ku dhawayn.
Dhanka daanta galbeed waxay ciidamada Israa’iil ku dileen ugu yaraan 13 Falastiiniyiin ah.
Dhanka Israa’iil waxaa la soo tabiyay in laga dilay 10 ay labo carruur yihiin.
Hal toddobaad gudihii waxaa Qaza lagu dilay ugu yaraan 188 qof oo 55 ka mid ah ay carruur yihiin iyo 33 haween ah.
In ka badan 1,200 qof ayaa la dhaawacay.