Maxkamadda oo soo saartay amar ka dhan ah KRA iyo maamulka isgaarsiinta dalka

0
304

Maxkamadda sare ee dalka ayaa sii kordhisay muddada uu shaqeynaya amarkii ku meel gaarka ahaa ee lagu hakiyay wargelinno ay soo saareen maamulka cashuuraha waddanka ee KRA iyo maamulka isgaarsiinta ee CA.
Tani ayaa la xiriirtay in shakhsiyaadka dalka imaanaya laga doonaya in ay soo bandhigaan nambarrada aqoonsiga caalamiga ee taleefoonnadooda gacanta ee loo yaqaano (IMEI) .
Garsoore Chacha Mwita ayaa sheegay in kiiskan la soo qaadi doono 21-ka bisha labaad ee sanadka 2025-ka.
Xaakinka ayaa hoosta ka xarriiqay in KRA iyo CA aynan dhaqangelin karin wargelintii hore ilaa iyo inta laga soo gabagabeynaya dacwad arrinkaasi looga soo horjeeda oo maxkamadda loo gudbiyay.
Waxaa dacwadda gudbisay hay’adda Katiba Institute oo sheegtay in tallaabadaasi ay ka dhalan karaan walaacyo dastuuri ah.
Agaasimaha guud ee maamulka isgaarsiinta ee dalka David Mugonyi ayaa horay u sheegay in ujeeddada arrintan laga leeyahay ay tahay in hawada laga saaro taleefoonnada shakhsiyaadka isticmaala aynan canshuurta bixin.