Labo sarkaal oo horay uga howlgalayay ismaamulka Isiolo oo ku eedeysan musuqmaasuq

0
260

Waxaa maxkamadda la soo taagay labo sarkaal oo horay uga shaqeynayay ismaamulka Isiolo kuwaasi oo ku eedeysan wax isdaba marin dhanka qandaraaska ah.
Giro Liban iyo Kenneth Turibu Maorwe ayaa loo haystaa bixinta 163.4 milyan oo shilin in kastoo adeegyadii qandaraasyadan lagu qaatay aan la fidin.
Waxaa ay labaduba ka shaqeynayeen xafiiska barasaabka Isiolo iyagoo si aan nidaam ahayn qandaraas u siiyay shirkad si gaar ah loo leeyahay si baabuurta looga kireysto oo ay u bixiso adeegyada gaadiidka.
Hasa ahaate , waxay iska fogeeyeen ilaa 8 dacwadood oo lagu soo oogay oo ay ka mid tahay in aynan u hoggaansamin xeerarka qandaraasyada sidoo kalena ay awooddooda xafiiseed ku tagriifaleen.
Maxkamadda ayaa tuhmaneyaasha ku siidaysay damaanad lacageed oo min hal milyan oo shilin ah mise wax u dhigma.
Waxaa uu qorshuhu yahay in maxkamadda ay dacwaddan mar kale soo qaado 23-ka bishan iyadoo la dhageysan doono 26-ka iyo 27-ka bisha labaad ee sanadka 2025.
Dhanka kale , waxaa maxkamad la soo taagay labo sarkaal oo booliis ah oo loo haysto in ay qasheen sac la soo xaday.
Chrispus Murakhi Butali iyo Samwel Mbugua Njuguna oo ka soo hormuuqday maxkamadda magaalada Iten ee ismaamulka Elgeyo Marakwet ayaa beeniyay eedeynta loo jeediyay.
Waxay maxkamaddu ku siidaysay damaanad lacageed oo dhan 40,000 oo shilin mise damaanad uu qiimaheedu yahay 200,000 oo shilin.
Dacwaddan ayaa la soo hadal qaadi doonaa 2-da bisha Koowaad ee sanadka nagu soo aadan.