Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Julius Migos Ogamba ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday magacaabidii Joel Kibe oo xubin ahaan ugu biiray golaha jaamacadda Nairobi.
Amarkan oo si degdeg ah u dhaqan galay ayaa lagu shaaciyay wargeyska rasmiga ee dowladda ee 13-kii bishan Diseembar.
Joel Kibe ayaa waxaa magacaabay wasiirkii hore ee tacliinta Ezekiel Machogu si uu muddo saddex sano ah uga tirsanaado golaha jaamacadda Nairobi .
Muddo xileedkiisi ayaa ka soo billowday 13-kii bishii Tobnaad ee sanadkii hore.
Hasa ahaate , wax faahfaahin ah lagama bixin sababta keentay go’aanka uu qaatay wasiirka tacliinta ee dalka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo guddiga arrimaha waxbarashada ee baarlamaanka dalka uu baaritaanno ku hayo eedeymo loo jeediyay golaha jaamacadda Nairobi kuwaasi oo la xiriira maamul xumo.