Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof.Kithure Kindiki ayaa kenyaanka kula taliyay in ay dulqaataan oo ay waqti siiyaan maamulka Kenya Kwanza.
Waxaa uu xusay in xaaladuhu ay wanaagsanaan doonaan maadaama sida uu hadalka u dhigay madaxweyne William Ruto uu hoggaanka la wareegay xilli dhaqaalaha uu wajahayay caqabado maxalli iyo kuwo caalami ah.
Xilli uu munaasabad kaniiseed uga qayb galay magaalada Lodwar ee ismaamulka Turkana ayuu Kindiki qiray in dadweynaha ay la daala dhacayaan culeysyo dhaqaale.
Waxaa uu ku celceliyay in dowladda ay wado dadaallo lagu xasilinaya dhinacyada muhiimka ah sidoo kalena lagu wanaajinaya nolosha muwaadiniinta.
Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in labadii sano ee ugu dambeeyay uu soo hagaagay amniga ismaamulka Turkana iyo si guud Waqooyiga Gobolka Rift Valley tan iyo xilligii la billaabay howlgalka ka dhanka ah burcadda ee Operation Maliza Uhalifu.