DCI oo xirtay nin ku eedeysan ka ganacsiga dhulalka ee khiyaannada ku saleysan

0
217

Waaxda dambi baarista dalka ee (DCI) ayaa sheegtay in la xiray mid ka mid ah shakhsiyaadka dadweynaha ku khiyaana iibsashada dhulalka ee ismaamulka Nairobi.
Tuhmanaha ayaa lagu magacaaba Brian Otiende Anyanga wuxuuna ku eedeysan yahay inuu milkiilayaasha dhulalka iyo maalgashatada siiyo shahaado been abuur ah isagoo iska dhigaya inuu ka howlgalo xafiiska diiwaangelinta dhulalka ee caasimadda dalka.
Tallaabada lagu xiray Anyanga ayaa timid labo isbuuc ka dib markii la qabtay Lawrence Martins Ochieng oo ay wada shaqeynayeen.
Dambi baarayaasha ayaa laga soo xigtay in Anyanga iyo kooxdiisa ay isku dayeen in ay qof kala wareegaan labo dhul oo ku yaalla xaafadda Pumwani ee ismaamulka Nairobi iyagoo siiyay shahaado faalis ah.
DCI ayaa sheegtay in kastoo khiyaanadaasi laga war helay in dhibbanaha uu geeddisocodkan ku lumiyay in ka badan 553,000 oo shilin.
Waxaa uu qorshuhu yahay in Brian Otiende Anyanga maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi la soo taago berri oo Isniin ah iyadoo ay weli socdaan baaritaannada ka dhanka ah.