Guddi qaabilsan shaqaaleysiinta dhanka caafimaadka oo muddada loo kordhiyay

0
205

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa labo bilood ku kordhiyay muddo xileedka guddi loo xil saaray arrimaha shaqaaleysiinta ee dhanka caafimaadka.
Muddo kordhintan ayaa ka billaabanaysa 5-ta bisha Koowaad ee sanadka 2025-ka.
Guddigan oo ka kooban 20 xubnood ayaa la soo magacaabay 5-tii bishii Toddobaad ee July ee sanadkan wuxuuna qorshuhu ahaa inuu howlgalo 6 bilood.
Madaxweyne William Ruto ayaa wargeyska rasmiga ee dowladda oo ku taariikhaysan 13-kii bishan ku shaaciyay go’aanka uu muddada ugu kordhiyay xubnaha guddiga uu hoggaamiyo Dr .Khama Rogo oo ay ku xigeen u tahay Judith Guserwa .
Waxaa guddigan xubno ka ah agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka dalka Dr.Patrick Amoth, John Masasabi, Toseef Din, Wilson Aruasa, Doreen Rhoda Kanyua, Dennis Miskellah, Francis Wafula, Xabiiba Maxamad Lucy Mburu, Collins Kiprono, Victor Miseda, Christine Okoth, Carolyne Mage, Jacinta Rwamba, Justina Wamae, Kanyenje Gakombe, Moses Alutalala Mukhwana iyo Benard Ondeng Otieno Choi.
Madaxweynaha ayaa guddigan faray inuu soo saaro istaraatiijiyooyin dhameystiran iyo xeerar lagu wanaajin karo adeegyada daryeelka caafimaad ee guud ahaan waddanka.