Maxkamadda sare ee dalka ayaa wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha qaranka John Mbadi u qabatay muddo 45 cishe .
Waxaa laga doonaya inuu muddadan gudaheeda ku shaaciyo heshiisyada la xiriira amaahda ee ay dowladdu gashay iyadoo matalaysa shacabka.
Sidoo kale, Mbadi ayaa looga fadhiyaa inuu si cad u faahfaahiyo qaabka loo adeegsaday deymaha.
Garsoore Lawrence Mugambi oo ka howlgalo maxkamadda sare ee dalka ayaa sheegay in ay dastuurka waddanka lagu maamulo baalmarsan tahay in aan dadweynaha sharraxaad laga siin heshiisyadan .
Mugambi ayaa xusay in kenyaanka ay xaq dastuuri ah u leeyihiin in macluumaadkan lala wadaago sida ku qeexan qaybta koowaad ee farqada 35-aad ee dastuurka dalka.
Garsooraha ayaa tilmaamay in golaha fulinta ee dowladda looga baahan yahay inuu tixgeliyo mabda’ sharciyeed ee ah in shacabka ay kula xisaabtami karaan arrimaha maaliyadda.
Amarkan ayaa ku soo aadaya bilooyin ka dib markii garsoore Lawrence Mugambi uu hakiyay magacaabidii xubnaha guddi madax bannaan oo uu madaxweyne William Ruto u saaray inuu baaritaano dabagal ah ku sameeyo deymaha qaranka .