Maxkamadda sare oo sharci darro ku tilmaantay isbeddel lagu sameeyay xeerarka IEBC

0
146

Maxkamadda sare ee dalka ayaa sheegtay in isbeddelka lagu sameeyay xeerarka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha waddanka ee IEBC ee sanadkii hore uu yahay sharci darro.
Waxaa go’aankan soo saaray garsoore Lawrence Mugambi.
Isbeddelka lagu sameeyay xeerarka guddiga ayaa lagu soo dhisay guddi shaqaaleysiinaya saraakiisha sare ee IEBC ee beddelaya mas’uuliyiintii uu hoggaaminayay Wafula Chebukati kuwaasoo uu muddo xileedkoodu dhammaaday.
Garsooraha ayaa hoosta ka xarriiqay in xeerarkan la ansixiyay iyadoo aan laga qayb gelin dadweynaha iyo saamileyda arrimahan si gaar ah u daneeya sidaasi awgeedna ay waxba kama jiraan yihiin.
Waxaa dacwaddan maxkamadda geeyay Senatarka ismaamulka Busia Okiya Omtatah oo soo dhaweeyay go’aanka maxkamadda.