Ciidamada booliiska ee deegaanka Gem ee ismaamulka Siaya ayaa wado baaritaanno ku aaddan dhacdo lagu dilay wiil ay da’diisu ahayd 7 sano.
Shacabka deegaankaasi oo ka carooday falka dhacay ayaa dab qabadsiiyay labo guri oo uu lahaa shakhsiga dilkaasi looga shakiyay oo lagu magacaabo Dominic Odhiambo.
Guddoomiyaha tuulada Nyabeda,Tom Aruwa ayaa sheegay in meydka wiilka laga helay meel kayn ah hal maalin un ka dib markii ay waalidiintiisa sheegeen in ay waayeen canugooda.
Aruwa ayaa intaasi ku daray in meydka lagu arkay calaamado muujinaya in wiilka yar la ceejiyay hasa ahaate xaqiiqada lagu ogaan doono qalliin baaritaan ah.
Ciidamada booliiska ayaa meydka geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka degmada Yala waxayna ku raadjoogaan tuhmanaha oo weli baxsad ah.