Kenya oo lagu amaanay doorka ay ka qaadato xasilloonida caalamka

0
94

Madaxweynaha dalka Gambia Adama Barrow oo marti sharaf ka ahaa munsaabadii shalay loogu dabbaal degayay maalinta qaran ee Jamhuri Day ayaa Kenya ku bogaadiyay kaalinta ay ka qaadato nabadgalyada iyo xasilloonida caalamka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladda Kenya ay mudan tahay in lagu amaano hoggaaminta dadaallada nabadsugidda iyo doorkeeda xoojinta isdhexgalka shacabka gobolka iyo si guud qaaradda Afrika.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay howlgalka nabadsugidda ee dalka Haiti ee ay hormuudka u tahay Kenya iyo dagaalka ay kula jirto argagixisada.
Adama Barrow, madaxweynaha Gambia ayaa carrabka ku adkeeyay in tani ay caddeynaysa sida qaranka ay uga go’an tahay ka shaqeynta nabadda iyo xasilloonida.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in Kenya ay sameysay horumar dhanka maamulka ah, dimuqraadiyadda iyo amniga gobolka.
Waxaa uu dowladda Kenya ku amaanay dadaallada ay kula tacaalaysa caqabadaha dunida ka jira sida isbeddelka cimillada iyo culeysyada la xiriira ganacsiga iyo horumarka.
Mas’uulkan ayaa tilmaamay in guulahan ay yihiin hal-beegyo la doonaya in dalalka kale ay uga daydaan Kenya.