Guddiga caalamiga ee samatabixinta ee IRC ayaa dalka Syria ku daray liiska waddamada sanadka 2025-ka si dhow isha loogu hayn doono.
Waxay sheegtay in Syria ay tahay dalka 4-aad ee 20 waddan oo ay u badan tahay in sanadka soo socdo laga soo tabiyo dhibaatooyin baniaaddannimo.
Waxay IRC hoosta ka xarriiqday in walaaca laga qabo xaaladaha degdegga ah uu ugu sarreeya dhanka Suudaan waxaana soo raaca Falastiin iyo Myanmar.
Guddigan ayaa warbixintiisa ku sheegay in ay jirto hubanti la’aan la xiriirta xaaladda baniaaddanimo ee Syria ka dib markii kooxaha mucaaradka ay xilka ka tuureen madaxweyne Bashar Al-Assad.