Ciidamada militariga ee Israa’iil ayaa 480 mar weeraray Syria 48-dii saacadood ee ugu dambeeyay.
15 ka mid ah weerarradan ayaa lala eegtay maraakiib iyo meelaha hubka lagu sameeyo.
Ra’iisul Wasaaraha ku meel gaarka ah ee dalka Syria Maxamad Al-Bashir ayaa sheegay in loo baahan yahay degganaansho iyo xasillooni.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuu kaashanaya howlwadeennadii ka tirsanaa maamulkii madaxweynihii xilka laga tuuray ee dalkaasi Bashar Al-Assad si ay u sii shaqeeyaan hay’adaha dowliga ah.
Madaxa kooxda mucaaradka ee Syria ee Hayat Tahrir al-Sham ayaa ballan qaaday in ay dib u dhis ballaaran ku sameyn doonaan waddankaasi .
Waxaa uu tilmaamay in shacabka dalkaasi ay daaleen ka dib 14 sano oo uu jiray dagaal sokeeye.